Milatariga Sudan iyo Ciidamada RSF oo heshiis Cusub gaaray iyo Mareykanka oo…

0
225

Milatariga Sudan iyo Ciidamada RSF oo heshiis Cusub gaaray iyo Mareykanka oo…

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in heshiis cusub oo xabbad joojin muddo shan maalin ah gaareen, ciidamada milatariga dalka Sudan iyo ciidamada RSF ee ku dagaalamaya qeybo kamid ah dalkaasi.

Heshiiskan cusub waxaa kasoo shaqeeyay dhax dhaxaadiyaal Mareykanka iyo Sacuudiga kasoo jeeda, kuwaa oo dhinacyada dagaalamaya ku cadaadiyay in ay kordhiyaan heshiiska xabbad joojinta ah.

Militariga Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee RSF, ayaa waxa ay ballan-qaadeen in ay joojinayaan weerarrada dhinaca cirka, madaafiicda iyo dagaallada waddooyinka mararka qaar ku dhax mara.

Dhinacyada isku haya dalka Sudan ayaa marar badan horey u gaaray heshiisyo xabbad joojin ah, waxaana la sheegay in heshiisyadaasi inta badan aysan u dhaqan-gelin sidii la rabay ayna dagaalamayeen iyada oo heshiis xabbad joojin ah la gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here