Meydka Gabadh Soomaali ah oo laga helay Hoteel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Waxaa subaxnimadii Isniinta laga helay meydka Farxiyo Axmed, oo ah gabar Soomaaliyeed, gudaha qol ku yaalla hoteel ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya.
newinsideWarbixin booliisku ku diiwaangeliyeen saldhigga Mariguini Police Station ayaa sheegaysa in Farxiyo ay hoteelka soo gashay habeenimadii Axadda, 31-da August, iyadoo ay wehelinaysay nin magaciisa lagu sheegay Chelsea Mwangi, Sida lagu sheegay warbixinta, labadaasi qof ayaa qolka wada kiraystay, iyadoo ninkaasi uu bixiyay lacag dhan 400 shilin oo Kenya ah, sida uu xaqiijiyay milkiilaha huteelka, Joyce Wangari.