Meyd la geeyay Masjid kuyaalla Muqdisho oo la diiday in lagu dukado iyo Sababta keentay

0
169

Waxaa shalay masaajid weyn oo kuyaalla inta u dhaxeysa isgooska Ex-koontarool Afgooye iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee magaalada Muqdisho laga soo wariyay dhacdo dad badan aysan horey u arag.

Masjidka ayaa la geeyay nin meyd ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana ninka dhintay markii masaajidka la geeyay si salaada janaasada loogu dukado halkaasi ka dhashay muran la xariira in ninkaasi lagu dukado iyo in kale.

Dadka deegaanka qaarkood ayaana culimada masjidka u sheegay in meydka ninka masjidka la keenay uu ahaa nin aan salaada dukan jirin , waxa ayna taasi keentay in culimada masjidka diidaan in ninkaasi salaada janaasada masjidka lagula tukado.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada maamusha masjidka Waallideyn ayaa sheegay in masjidka maalin kasta lagula dukado janaaso dadka la keeno, waxa uuna xusay ninkii shalay la diiday in lagu dukado in ay caddaatay in uusan dukan jirin.

“Dadkii maydka la socday qaar kamid ah ayaa soo hormaray markaas ayay culimada u sheegeen mayd ayaan wadnaa waana taariku salaad, hadii aad ku tukaneynsaa idinka ayay idin taallaa waa dadkii la socday ee ogow, sidaas go’aan kuma qaadan waxaan arrinkaas weediinay nin la dhashay marxuumka iyo wiilkiisa, waxa uuna caddeeyay wiilka in uusan aabihiis salaada dukan jirin, arkii la caddeeyay ayay Culimadu yiraahdeen qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday marka uu dhinto kuma qabsi doono, kuna tukan meyno ee naga qaada, waana sidaas qofkii isaga yiraahdo anigu taariku salaad ayaan wadaa ma ku tukaneyno” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Arrintan shalay ka dhacday masjidka Waaliddeyn ayaana dhalisay hadal heyn badan oo bulshada dhaxdeeda ah, dadka intooda badan ayaana sheegay in ay sax tahay in aan lagu dukan salaada jannaasada ah qofkii intii uu noolaa jaray xiriirka allae oon salaada dukan.