Maxkamada Masar oo amartay in xabsiga laga sii daayo wariye u shaqeeya Tv-ga Al-Jazeera

0
575

Maxkamada Masar oo amartay in xabsiga laga sii daayo wariye u shaqeeya Tv-ga Al-Jazeera

Maxkamada Masar ayaa amartay in la sii daayo wariyaha Tv-ga Al-Jazeera Maxamed Xuseen kaasi oo 880 maalin Xabsi ku Xiran.

Maxkamada ayaa soo saartay khamiistaan in la sii daayo Mr Xuseen kaasi oo marar badan maxkamado kala duwan ka soo Muuqday.

Sidoo kale lama oga waqtiga saxda ah ee la sii deyn doono saxifigaan u shaqeeya Tv-ga laga leeyahay wadanka Qatar.

Gabadha uu dhalay oo lagu magacaabo Sahra Xuseen ayaa ku soo qortay barta ay ku leedahay Facebook in aabaheed laga sii deyn doono xiliga ugu dhaqsiyaha badan xabsiga,loona wareejin doono saldhiga booliska ka hor inta laga kaamil yeelayo sii Deysmadiisa.

Jamaal Ciid oo ah madaxa dhanka warbaahinta ee Hey,ada carbeed ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ay waajib tahay in 24 saac gudahood la sii daayo kadib xukunka Maxkamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here