Maxkamada ciidamada qalabka Puntland oo xukun dil ah ku ridey rag ka tirsan Alshabaab

0
402

Maxkamada ciidamada qalabka Puntland oo xukun dil ah ku ridey rag ka tirsan Alshabaab

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo denbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool ayaa xukun ku riday saddex Nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Raggaas ayaa la sheegay in Ciidanka amniga Puntland ay kusoo qabteen weerar Ciidamada ay ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab 21-kii bishii Ogoosto ee sandkaan, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Saciid Xirsi Ibraahim ayaa Maxkamadda ka dalbaday in saddex eedeeysane lagu rido xukun dil toogasho ah, kadib markii deegaanada Puntland u tageen dhibaateynta shacabka.

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo denbiyada Culus ayaa laba kamid ah ragaas oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim ku riday xukun ah xabsi daa’in.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo fadhiga soo xiray ayaa amray in Ninka saddexaad oo lagu magacaabao Maxamed Ibraahim Isaaq lagu wareejiyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here