Maxkamad Ku Xukuntay Madaxweynaha Maraykanka Donal Trump 2 Malyan oo Dollar Oo Ganaax ah

0
475

Maxkamad Ku Xukuntay Madaxweynaha Maraykanka Donal Trump 2 Malyan oo Dollar Oo Ganaax ah

Maxkamad ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa amartay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu bixiyo ganaax dhan labo malyan oo dollar maadaama uu si aan sharci ahay u isticmaalay lacag ay lahayd hay’ad samafal uuna u adeegsaday ololihiisa doorashada.

Hey’adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey’addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo.

“Waxaan Trump ku amrayaa in uu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaas oo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar,”ayay go’aamisay garsooraha maxkamadda.

Waxaa kale oo ay garsooraha sheegtay in lacagtaas farta laga saaro sideed hey’adood, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn Madaxweyne Trump, kana madaxbanaan.

Madaxweynaha ayaay sidoo kale maxkamaddu sheegtay in uu gabay mas’uuliyadii saarneyd, maadaama lacagtaas deeqda ah ee loogu talo galay dadkii usoo halgamay Mareykanka loo adeegsday doorashadii is-rebreebka ee sanadkii 2016-ka ka dhacday Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Letitia James ayaa sidoo kale sheegay in caruurta uu dhalay Madaxweyne Trump ee kala ah Donald Trump Jr, Eric Trump iyo Ivanka Trump oo ka mid ahaa maamulka hey’adaas haatan laga doonayo in ay qaataan tababar qasab ah oo ku saabsan maareynta maamulka hey’adaha.

In lacagta uu biixyo Madaxweynaha ayaa ah xalka ugu dambeeya ee dacwaddan oo ay soo gudbiyeen xafiiska dacwad oogaha Mareykanka, hasayeeshee Madaxweyne Trump iyo qareenkiisa ayaa ku dooday in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga oo uu sheegay in ay sameynayaan waxwalba, si ay isaga u dacweyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here