Maxkamad amartay in Shirkadda Apple bixiso lacag dhan14 Bilyan oo Dollar

0
40

Maxkamad amartay in Shirkadda Apple bixiso lacag dhan14 Bilyan oo Dollar

Shirkadda Tiknoolajiyada caanka ku ah soona saarto telfoono iyo laptobyo dunidda sida weyn looga istuicmaalo ee Apple , ayaa lagu amray in ay bixiso lacag balaayiin dollar ah oo ay ku leedahay mid kamid ah dowladaha Yurub.

Maxkamadda ugu sarreysa ee midowgay Yurub ayaa soo saartay go’aan shirkadda Apple lagu amrayo in ay bixiso qaan canshuureed gaareysa 14-Bilyan oo doollar, lacagtan tirada badan ayaa la sheegay in Apple ku leedahay dowladda Ireland.

Margrethe Vestager, ayaa sheegtay in go’aanka ka dhanka ah shirladda Apple ee kasoo baxay maxkamadad in ay tahay guul caddaaladded oo dhanka canshuuraha ah, waxa ayna intaa ku dartay in Apple laga rabo in ay iska bixiso lacagtaasi lagu xukumay.

Komishanaha tartanka ee midowga Yurub ayaa sidoo kale ku tilmaamay laba go’aan oo ka dhan ah shirkadaha tiknoolijiyada ee laga leeyahay dalka Mareykanka inay yihiin guulo waaweyn oo u soo hoyatay muwaadiniinta Yurub.

Maxkamadda Midowga Yurub ayaa sidoo kale komishinka ku taageertay kiis kalsooni darro ahaa oo ee ay ka soo gudbisay Google, iyada oo diidday codsi ka yimid Google (iyo shirkaddeeda hooyo, Alphabet) oo ka dhan ahaa ganaax 62-Bilyan oo doollar ah oo lagu soo rogay iyadoo la adeegsanayo booskeeda xooggan ee raadinta internetka.