Maxkamad amartay in lasoo xiro Yulia Navalnaya

0
47

Maxkamad amartay in lasoo xiro Yulia Navalnaya

Dowladda Ruushka ayaa dooneysa in lasoo xiro xaaskii uu ka geeriyooday hoggaamiyihii ugu weynaa mucaardaka Ruushka, Alexei Navalny , hoggaamiyahan oo nafta u keenay Madaxweyne Putin ayaa ugu dambeyn ku dhax dhintay xabsi uu ku xirnaa

Maxkamad kutaalla magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka, ayaa amartay in lasoo xiro Yulia Navalnaya oo ah xaaska hoggaamiyihii mucaaradka ee dhintay, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay xagjirnimo siyaasadeed.

Haweeneydan la amray in lasoo xiro oo kunool meel ka baxsan dalka Ruushka, ayaa sidoo kale ku eedeysan faafinta fikrado bulshada xagjir looga dhigayo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in caqabad ku tahay ammaanka guud ee dalka Ruushka,

Alexei Navalny, oo ahaa mucaaradka ugu weyn dalka Ruushka ayaa marar badan la xiray kahor inta uusan xabsiga ku geeriyoon, waxaana geeridiisa hareeyay shaki badan oo ku aadan in la dilay ama dhibaatooyin kale xabsiga loogu dhax geestay.

Xaaskii uu ka geeriyooday siyaasigan mucaaradka ku ahaa xukuumadda Moskow ayaa iyana wacad ku martay in halkeeda kasii wadi doonto shaqadii uu hayay ninkeeda, waxa ayna dowladda Ruushka u aragtaa haweeneydan mid halis siyaasadeed ku ah.