Maxay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?
Magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, labada mas’uul ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo lagu xoojinayo iskaashiga Amniga, dhaqaalaha & Ganacsiga.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan, ugu horreyn waxaa sare loosoo qaadayaa xiriirka hoos u dhacay ee Labada Dal iyada oo loo marayo dib u hawlgelinta matalaadda diblumaasiyadeed ee labada Caasimadood.
“Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Villa Somalia
“Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.” Ayaa lasii raaciyay Warsaxaafadeedka
Muhiimadda Amniga ee labada Dal iyo la dagaalanka ‘AS’ ayaa lagu soo daray qodobada ay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxa ay isla garteen in ay iskaashadaan si xoogga loo saaro howlgallada ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen ‘Argagixisada’
“Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.” Villa Somalia
“Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal” ayaa lasii raaciyay Warsaxaafadeedkaan.
Ugu dambeyn waxaa Addis Ababa lagu go’aamiyay in la sameeyo Guddi Farsamo oo hirgeliya heshiisyadii ay wadagaleen Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyada oo udub dhexaad uu wadahadalkaas u noqonaya heshiiskii Ankara 2024.