Maxay kawada hadleen Joe Biden & Xi Jinping?
Magaalada Lima ee xarunta Dalka Peru waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweynaha Xilka Maraykanka ka degaya 20ka Janaayo 2024 ee Joe Biden iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Xi Jinping iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulankaan oo indhaha ay kuwada jeedeen ayaa diiradda lagu saaray sidii Washington iyo Beijing ay u xoojin lahaayeen iskaashiga ka dhaxeeya iyada oo uu taagnaanayo xifaaltanka la xiriira dhinacyada Militariga, Dhaqaalaha & Siyaasadda.
Joe Biden ayaa kulankaan ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh Labada Dal, waxaana uu ku sifeeyay in uu yahay kan Adduunka ugu muhiimsan mar haddii ay wada hadleen Madaxda Dowladaha xilaaftanku ku dheeraaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay in kulankaan uu ahaa mid muhiim u ah xaaladaha Dunida ka taagan maadaama Maraykanka uu hurinayo Dabka ka ololaya Meelo kala duwan oo Caalamka ah.