Maxay kawada hadlayaan Saraakiisha Militariga Ruushka, Ukraine, Turkiga & QM ee maanta ku ballansan Magaalada Istanbul?

0
371

Maxay kawada hadlayaan Saraakiisha Militariga Ruushka, Ukraine, Turkiga & QM ee maanta ku ballansan Magaalada Istanbul?

Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaa maanta kulan ku ballansan Saraakiil Militari oo wakiilo buuxa ka kala ah Dowladaha Ruushka, Ukraine, Turkiga oo martigeliye ah & Qaramada Midoobay si ay uga xaajoodaan Gargaarka ku xayiran Dekedda Odesa.

Soo jeedin ka timid Qaramada Midoobay ayaa ka tarjumeysa cunno la’aanta Dunida ka taagan ee sii xoogeysatay wixii ka dambeeyay 24ka-Febaraayo-2022 oo ku beegan maalintii Ruushka uu duullaanka ku qaaday dhiggiisa Ukraine.

Dekedda Odesa ee Badda Madow waxaa ku xayiran Hadhuudh loo waday waddamada dhibaatooyinka cunno yarida ka jirta ee caalamka oo ah Dalalka ay ka socdaan dagaallada iyo kuwa ay saameynta taban ku reebeen abaaraha & is baddelka Cimilada.

Ruushka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay qorshaha lagu rarayo Raashinka Gargaarka ah ee Odesa ku xayiran balse loo baahan yahay wada-xaajood dhammeystiran oo ay goobjoog ka ahaadaan dhinacyo ka baxsan Moscow & Kyiv.

Hay’adda cunnada adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa warbixinno si daba-joog ah ay usoo saartay waxa ay ku muujisay in cunno la’aan dunida ay wajaheyso haddii aan la fasixin gargaarka ku xayiran Ukraine.

Turkiga waa waddan saaxiib la ah Ruushka iyo Ukraine waxaana uu heystaa fursad uu marweliba ku martigelin karo kulamada iyo wadahadallada labada Dal, Ankara ayaa iska ilaalisay in ay dhinac u janjeerto Moscow & Kyiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here