Maxaad ka ogtahay App-ka marka sawirrada gabdhaha la dhex galiyo dharka ka siibaya?

0
1394

Maxaad ka ogtahay App-ka marka sawirrada gabdhaha la dhex galiyo dharka ka siibaya?

Barnaamij internet-ka ku shaqeeya ama App la sheegay in uu si dijitaal ah uu dhar uga siibayey haweenka si cawradooda loo arko ayaa khadka laga saaray.

App-kan oo lagu magacaabo Deepnude ayaa lagu iibinayey $50 waxa uuna hal mar soo jiitay indhaha dadka balse waxaa lagu dhaliilay qormo uu ka qoray bogga lagu magacaabo tech news site Motherboard.

App-kan ayaa haddii la dhex galiyo sawir ay gabadhi leedahay dharkoo dhan ka bixinaya oo qaawinaya.

Dadkii barnaamijkan sameeyey ayaa haatan softaware-kaas ka saaray internet-ka ayagoo sheegay in caalamku aanu diyaar u ahayn.

“Suurtagalnimada ah in dadku ay si khaldan u isticmaalaan ayaa ah mid aad u sarraysa,” ayay twitter-kooda ku qoreen qolodii barnaamijkan samaysay. “Ma doonayno in aan qaabkaas lacag ku samaynno”.

Qof kasta oo App-kan iibsaday ayay qolodii barnaamijkan samaysay sheegeen in lacagtiisii loo celinayo, waxayna intaas ku dareen in aan dib dambe loo heli doonin App-kan.

Soosaareyaasha barnaamijkan ayaa bulshada ka codsaday in ciddii haysta app-kan aanay cid kale la sii wadaagin, in kastoo App-kan uu wali u shaqaynayo ciddii haysata oo ay isticmaali karto.

Kooxda barnaamijkan samaysay ayaa sheegtay in “madadaalo ahaan” loo sameeyey dhowr bilood ka hor.

Barnaamijkan ayaa ka kooban laba qaybood – qayb bilaash ah oo laga dhex arki karo sawirka qofka oo dharka ka bixinaya iyo mid kale oo lacag ah oo tiimbare “been ah” uu dhinaca kaga dhaggan yahay.

Qolodii barnaamijkan samaysay ayaa qoraalkooda ku sheegay: ” Dhab ahaantii App-kani ma ahan mid aad u sii wayn, kaliya waxa uu ku shaqaynayaa sawirro gooni ah.”

Katelyn Bowden, oo ah aas aasaha koox la dagaallanta sawirrada qaaqaawan iyo Anshax xumada, ayaa App-kan ku tilmaantay “mid aad u xun”.

“Qof kasta waxa u dhiibbane u noqon karaa in sawirro anshax xun laga qaado, asagoon xataa gelin sawir qaawan,” ayay tidhi. “Waa in barnaamijkan uusan bannaanka u soo bixin.”

Barnaamijkan ayaa dharka ka siibaya siwirrada haweenka ee la dhex galiyo.

 

Xigasho: bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here