Maxaa ka jira in is hortaag lagu sameeyay Diyaarad Sheekh Shariif u soo qaadi laheyd Kismaayo

0
479

Maxaa ka jira in is hortaag lagu sameeyay Diyaarad Sheekh Shariif u soo qaadi laheyd Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad saaka lagu waday inay Muqdisho ka soo qaado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed loo diiday inay u duusho Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan amar ka soo baxay Hey’adda Duulista Hawada ayaa lagu wargeliyay diyaaradaha aadaya Kismaayo inay is diiwaan geliyaan ayna fasax soo weydiisato Hey’adda 24 saac ka hor.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaarad qaadi laheyd Sheekh Shariif oo aheyd mida rayidka ah lagu wargeliyay in aanay qaadi karin, sidoo kalena Maamulka Jubbaland ay isla diyaarada ayadana ku wargelisay in haddii aanay soo qaadin Sheekh Shariif aysan ka soo degi karin Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa saaka ka yimid dalka Turkiga oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa, isagoo la socday diyaarada Turkish Airlines, waxaa la sheegay in diyaarad kale ay u sii qaadi rabtay Kismaayo, hase ahaatee amar ka soo baxay dowladda Federaalka loogu diiday inay qaado Shariifka.

Sheekh Shariif ayaa lagu waday inuu maanta soo gaaro Kismaayo, si uu uga mid noqdo Madaxda ka qeyb galeysa Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here