Masar “Gaza dib ayaa loo dhisi karaa iyada oo aan laga barakicin Falastiin
Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in dib u dhis lagu sameyn karo Magaalada Gaza iyada oo aanay la barakicin Shacabka Magaaladaas degen ee dhowaan dib uga soo laabtay colaaddii ugu waqtiga dheereed ay la kulmaan.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay dhinac taagan yihiin hannaan weliba oo dib u dhis ah iyada oo loo marayo nabadgalyo iyo in aan la sal kicin ama la dhibaateen Dadka Magaaladaas.
“Waa wax wanaagsan oo qurux badan haddii dib loo dhisayo Magaalada Gaza, Trump waxa aan ku raacsanahay dib u dhiska Magaaladaas balse kuma taageersanin in la barakiciyo Dadkaas xaaladaha adag soo maray, Gaza dib waa loo dhisi karaa iyada oo aan la barakicin Dadkeeda” Ayaa lagu yiri warka kaoso baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.