“Markii aan tartanka doorashada ku guul darraystay ayaan hurdo helay”Cabdi weli Gaas

0
486

“Markii aan tartanka doorashada ku guul darraystay ayaan hurdo helay” Cabdi weli Gaas

Madaxweynihii hore ee Puntland, horayna usoo noqday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka sheekeeyay sida uu xaalkiisu noqday markii uu labo jeer ku guul darraystay xil uu u tartamayay.

Gaas, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa isaga oo u warramay Banaamijka Muusigga iyo Salaamaha ee BBC-da sheegay in xilliga lagu jiro loollanka siyaasadeed ay adag tahay inaad qaadato talooyinka qaarkood ee wax ku oolka kuu ah, ee laguu soo jeediyo.

Siyaasiinta ayaa marka ay raadinayaan jagooyinka waxay galaan tartan siyaasadeed oo adag, kaasi oo ay rabaan inay ku hantaan guusha.

Haddaba maxay uga dhigan tahay markii ay la kulmaan guul darrada siyaasadeed?

Arrintaasi ayaanu wax ka weydiinay Ra’iisul wasaarihii hore, Cabdiweli Cali Gaas, isagoo ka sheekeeyay xili uu isu sharaxay labo kursi, kuwaasi oo kala ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland, oo labadaba uu ku guul darraystay.

“Horta been kuu sheegi maayo, runtii waa iga dhab labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid,” ayuu yidhi Gaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here