Markab laga leeyahay Israiil oo gacanta u galay burcad badeed Soomaali ah

0
76

Burcad badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Basilisk kaasoo ahaa kuwa xamuulka (General Cargo Ship, IMO 9539377)

Markabkan oo ku gooshaya calanka dalka Liberia wuxuu ku jihaysnaa dakada Jabal Al ali ee Abu dhabi UAE wuxuuna kasoo shiraacday magaalada Rotterdam ee dalka Britain isagoo kusoo hakaday dekadda Porto Grandev ee jasiirada galbeedka afrika ku taalla ee Cape Verde.

Xiliga la weerarayey wuxuu marayay meel 400 nautical miles (742km) uga beegan koonfur galbeed magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

17 shaqaale ah ayaa saaran sida la sheegay waxayna wali ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo kooxdii burcad badeeda ay gabi ahaanba la wareegeen qolka howlgalka markabka iyagoo xanibay dhammaan isgaarsiinta.

Shirkadda iska leh markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Israaiil wuxuuna qayb ka ahaa maraakiibta dhawaan laga weeciyey badda cas iyadoo laga baqayo weerarka kooxda Xuutiyiinta.