Mareykanka oo Ukraine u ogolaaday in la siiyo Diyaaradaha nooca loo yaqaan F-16.

0
172

Mareykanka oo Ukraine u ogolaaday in la siiyo Diyaaradaha nooca loo yaqaan F-16.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa aqbalay in Ukraine la siiyo saanad Militari iyo diyaaradaha dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan F-16 oo horay Washington ugu diiday in ay siiso dhiggeeda Kyiv.

Sida uu sheegay Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan, Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa horay u diiday in Kyiv uu u gacangeliyo qaar kamid ah Diyaaradaha casriga ah ee Dalkaas uu leeyahay si ay isaga caabbiyaan duullaanka Ruushka.

Mareykanka ayaa bixinta Diyaaradahaas kahor mariyay in marka hore tababar la siiyo Duulliyeyaasha la rabo in loo gacangeliyo si loo baro qaabka loo isticmaalo iyo waxyaabaha looga baahan yahay in looga hortago.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky ayaa sheegay in dedaal xooggan uu gelinayo sidii uu taageero militari u heli lahaa si ay uga hortagaan weerarada Ruushka uu ku doonayo in uu ku qabsado dalkaas.

Waddamada ugu badan ee taageerada uu ka raadinayo Madaxweyne Zelensky ayaa kala ah Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Dalalka kale uu u arko in uu ka heli karo garab istaagga si ay uga hortagaan in Ruushka uu qabsado Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here