Mareykanka oo shuruudo ku xiray ka bixitaanka ciidamadiisa ee Suuriya

0
545

Mareykanka oo shuruudo ku xiray ka bixitaanka ciidamadiisa ee Suuriya

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Suuriya waxay ku xiran tahay shuruudo, sida uu sheegay la taliyaha qaranka arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka John Bolton, taas oo muujineyso inuu jiro dib u dhac.

Xilli uu booqasho ku joogay Israa’iil wuxuu sheegay inuu Turkiga ka codsanayo inuu ilaaliyonabadegelyada kooxda Kurdiyiinta ee ka daallanta waqooyiga Suuriya.

John Bolton wuxuu sidoo kale sheegay in la xaqiijiyo arrinta ah in laga guuleystay kooxda isku magacaawady dowladda Islaamka.

Madaxweyne Trump ayaa dhaleeceen kala kulmay qorshahiisa ah in uu kala soo baxo ciidamadiisa ka joogo Suuriya.

Bolton ayaa weriyeyaasha u sheegay inaysan jirin wakhti loo asteeyay in ciidamada laga soo saaro dalka Suuriya isla markaasna madaxweyne Trump uu doonayo in la ciribtiro ururka IS.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday 19-kii bishii September in ciidamadiisa uu halkaasi ka soo saarayo, saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in ciidamada joogo Suuriya loo qabtay muddo 30 maalmood ah si ay uga soo baxaan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here