Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab

0
599

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga qaaradda Afrika ee AFRICOM ayey ku sheegteen inay 8 Dagaalame oo ka tirsan Alshabaab ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo ay bishan 11-dii ku qaadeen Deegaanka Darasalaam ee Gobalka Sh/hoose.

AFRICOM waxay sheegtay inay Duqeyntaasi ku taageerayeen Ciiddanka DFS oo iyagu qeyb ka ahaa Hawlgalkaasi, kuwaasi oo weerar kala kulmay Alshabaab.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inaysan waxyeello soo gaarin inciiddankoodii ka qeyb galay Hawlgalkaasi.

Balse, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay Sarkaal Maraykan ah ku dileen iska horimaadkii ka dhacay Deegaanka Darasalaam ee Gobalka Sh/hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here