Mareykanka oo sheegay in uu aqoonsan yahay madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee JFS

0
90

Mareykanka oo sheegay in uu aqoonsan yahay madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee JFS

Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawladda Maraykanka ay ka walaacsantahay xiisadda ka jirta gobolka Geeska Afrika, kaas oo hadda ka dhex aloosantay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Miller oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ku saabsan is-afgaradka ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland iyo xiisadda ka dhalatay ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay si diblomaasi ah ku xalliyaan.

Afhayeen oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri, “Waan aragnay wararkaas, waan ka walacsanahay, waxaan ku biiraynaa bahwadaagta kale ee beesha caalamka inaan ka muujino walaaca weyn ee aan ka qabno iyo xiisadda ka dhalatay ee Geeska Afrika.”

Matthew Miller oo sii hadlaya ayaa yiri, “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan saamilayda in ay galaan wadaxaajood diblomaasiyadeed, dawladda Maraykankuna waxay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheedii 1960-kii.”

Xadgudubka dowladda Itoobiya ee ku aadan Badda Cas ayaa waxaa aad u dhaleeceeyey waddamada gobolka iyo kuwa caalamka, sidoo kale ururrada ay Soomaaliya qeyb ka tahay sida Ururka Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Afrika ayaa iyagu ku baaqay in la’ilaaliyo midnimada iyo daris wanaagga labada dal.

Is-afgarad ay wada gaareen Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu yahay mid ka hor imaanaya qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.