Mareykanka oo dalkiisa ka xanibaya shaqsiyaadka booqday dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

0
447

Mareykanka oo dalkiisa ka xanibaya shaqsiyaadka booqday dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadiniinta dalalka kale ee sida Vissa la,aanta ku tagaya Mareykanka ee booqday sideedii sano ee la soo dhaafay ay saameyn ku yeelan doonto in ay booqdaan Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa Vissa la,aan ku gali kara 38 wadan oo ku yaal caalamka oo ay ka mid yihiin koonfurta Kuuriya Japan iyo Faransiiska mudo 90 cisho Ah.

Laakin muwaadiniinta booqday sideed wadan oo ay ka mid tahay kuuriyada waqooyi tan iyo 1-dii bishii Maarso ee sanadkii 2011-kii ayaa laga mamnuuci doonaa in ay Mareykanka ay si bilaash ah ku Tagaan.

Qabarkaan ayaa isniintii shalay waxaa lagu soo daabacay Website-ka waaxda ilaalada xuduudaha Mareykanka.

Muwaadiniinta 38 wadan ee booqday wadamada Mareykanka uu diiday ayaa waxaa u furan doorasho ah in ay codsadaan dal ku galka Mareyanka iyaga oo u dalbanaya qaab ganacsi ama Dalxiis.

Wadamada kale ayaa waxaa waxaa ka mid ah soomaaliya Liibiya Suuriya kuwaasi oo mareykanka uu u arko dalal aan amnigooda la isku haleyn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here