Maksiko oo dab damiyaal u dirtay Los Angeles kaddib markii Dowladda Maraykanka ay ku filaan weysay

0
24

Maksiko oo dab damiyaal u dirtay Los Angeles kaddib markii Dowladda Maraykanka ay ku filaan weysay

Xubno katirsan Kooxaha Dab damiska ee Dalka Maksiko ayaa ku biiray howlgalka lagu daminayo Dabka ka ololaya Magaalada labaad ee ugu weyn Maraykanka ee Los Angeles kaddib markii Xukuumadda Washington ay awoodi weysay in ay ku filnaato howlgalkaas.

 

In ka badan 14,000 oo Dab damis ah ayaa gaaray Los Angeles, waxa ay wataan qalab casri ah oo loo adeegsanayo sidii loo damin lahaa Dabkaas, Dowladda Maksiko ayaa sheegtay in ay arrintaan qayb ka tahay xoojinta cilaaqaadka dhanka isku gurmashada labada dal.

 

Warbaahinta Maraykanka oo si toos ah usoo tabineyso dhacdada ka taagan Los Angeles ayaa kusoo warrantay in howlgallada socda lagu guuleystay in lagu soo badbaadiyo Dad badan oo ku xayirmay guryahooda sida hadlaka loo dhigay.

 

Dadka degen meelaha qaar ee dabku aanay gaarin balse ay adag tahay in laga soo bixiyo ayaa lagu wargeliyay in ay guryahooda joogaan oo isticmaalaan Mukeefyada si aanay ugu qabatimin kulka ka dhashay Dabkaas iyo uurada cirka isku shareertay.