Makamadda G/Banaadir oo maanta go’aan ka gaareyso kiiskii marxuumad Xamdi
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markale maanta uu fariisan doonto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah dilkii iyo kufsigii Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, 12-kii September ee sanadkan 2020-ka.
Kiiskan ayaa waxaa loo soo qabtay shaqsiyaad uu ku jiro Maxamed Ibrahim Cismaan oo gacanta lagu soo dhigay, isaga oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Maxamed ayaa qirtay in marxuumadda uu geeyey hotelka lagu kufsaday, laguna dilay oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Maxkamadda ayaa dhowr jeer oo kala duwan fadhiyo ka yeelatay kiiskan oo muddo soo jiitamayey, iyada oo la filaya in maanta oo Arbaco ah ay soo gaba-gabeyso.
Sidoo kale waxaa dhageysiga maxkamadda qeyb ka noqon doono ehellada marxuumada, xildhibaano iyo dadweyne kale.
Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb gashay imtixaanka dowladda ayaa falka arxan darrada ah ee loo geystay waxaa si isku mid ah u cambaareeyey dhammaan dadka Soomaaliyeed, kadib markii la’isugu daray kufsi iyo dil.