Magaalada Beledweyne oo laga dajiyey ciidanka ka socday dalka Jabuuti

0
36

Magaalada Beledweyne oo laga dajiyey ciidanka ka socday dalka Jabuuti

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray ciidamo cusub oo ka socday dalka Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlka cusub ee AUSSOM, kaas oo dhawaan lagu badalay howgalkii hore ee ATMIS.

Ciidankaan oo soo dirtay Xukuumadda Djabuuti, ayaa la dadajiyey Saldhigyo ay ciidanka AUSSOM ku leeyihiin magaalooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah laba magaalo oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Qeybta Afaraad, Col. Saciid Waaberi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyaga oo ka hadlay doorka ay ka qaadanayaan dardar gelinta howlaha wadajirka ah ee ay wadaan. sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka.

 

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in ciidankaan ka shaqeyn doonaan ilaalinta xarumaha muhiimka ee maamulka Hirshabeelle, garoomada diyaaradaha, iyo Saldhigga taliska ciidanka nabad ilaalinta ee ku sugan gobollada Hirshabeelle.