Madaxweynihii hore Faransiiska Nicolas Sarkozy oo maanta Maxkamad lasoo taagayo
Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lasoo taagayaa Maxkamad, waxaa loo heystaa in uu lacag dhan €50 Milyan oo Yuuro ka aqbalay Hoggaamiyihii hore Liibiya Mucammar Al-Qadaafi oo uu ku galay Ololaha Doorashada.
Labo jeer ayaa lagu helay kiisas lagu soo oogay Sarkozy, markaan waxaa qoorta loo geliyay in uu cilaaqaad siyaasadeed oo si sharci darro ah u dhacay uu la wadaagay Madaxweynihii Hore ee Liibiya ee kacdoonka carbeed xilka looga tuuray.
Ninkaan ku guuldareystay Doorashadii Madaxtinimo ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa la kulmay eedeymo kala duwan oo la dulsaaray caddeymaha loo hayo kuwaas oo gacanta loo geliyay xafiiska Xeer ilaalinta ee dacwaddaas kusoo oogay.
Muddo ka badan 10 sano ayaa la baarayay caddeynta eedahaas loo heysto oo ugu dambeyn loo gudbiyay Maxkamadda, wax isdaba marin ama musuq sida aad u garaneysid ayaa loo heystaan hoggaamiyaan Faransiiska Madaxweynaha kasoo noqday 2007 ilaa 2012.
28ka Bishaan waxa uu Sarkozy galayaa da’da 70ka sano, waxaa la eegayaa xukunka lagu ridi doonno maadaama lasoo bandhigay caddeymo xooggan oo muddo toban sano ah laga soo shaqeynayay, haddii kiiskaan lagu helo waxa uu mudeysan doonnaa ciqaab adag.