Madaxweyneyaasha Dalalka Shiinaha Iyo Mareykanka Oo Isweydaarsaday Digniino Adag

0
304

Madaxweyneyaasha Dalalka Shiinaha Iyo Mareykanka Oo Isweydaarsaday Digniino Adag

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa midba midka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiradda.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska beddelin.

Beijing ayaa sheegtay in Mr Xi uu u sheegay Mr Biden inuu u hogaansamo mabda’a ah in Shiinuhu yahay hal dal, isaga oo uga digay in “qofkii dab ku ciyaara uu ku guban doono”.

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor qorshe la isla dhex marayey oo ah in afhayeenka Aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tagayso Taiwan.

Waaxda gobolka ayaa sheegtay in Ms Pelosi aysan ku dhawaaqin wax safar ah, balse Shiinaha ayaa ka digay “cawaaqibka ka dhalan kara” haddii Ms Pelosi ay sii waddo booqashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here