Madaxweyne Trump iyo Ilhan Cumar oo markale is dhaafsaday hadalo kulkulul

0
528

Madaxweyne Trump iyo Ilhan Cumar oo markale is dhaafsaday hadalo kulkulul

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka mid ah Kongreska dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixisay eedeymo uu u soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka kadib markii ay ka hadashay weerarkii 9/11.

Ilhan Cumar oo u jawaabaysay Madaxweyne Trump ayaa sheegtay inaan la aamusi doonin kadib markii ay kala kulantay cambaareyn xoogan khudbad ay uga hadashay weeraradii September 2001 iyo hadallo ay ka sheegtay madaxweyne Donald.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twiterka kusoo qoray hadal ahaa”Waligeen ma hilmaami doono” iyo muuqaal tusinaya weeraradii September 2001 oo la barbar dhigay khudbadii Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa iyadoo ka hadlaysa weerarkii Maraykanka ee lagu qaaday daaraha mataanaha waxa ay tiri;”Dadka qaar ayaa qalad sameeyay,”, waxaana hadalkaas uu bartiisa Twitterka ku soo daabacay Trump isagoo weliba ku soo daray sawiro muujinaya burburkii daaraha Mataanaha.

Afhayeenka Aqalka Congresska Nancy Pelosi ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay Madaxweyne Trump iyadoo sheegtay in aysan habooneyn in weerarkii Mataanaha aan la siyaasadeyn karin.

Ilhan Cumar ayaa waxaa hore uu ugu weydiiyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inay neceb tahay Yahuuda kadib markii ay ka hadashay Israel iyo kooxaha u ololeeyo Israil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here