Madaxweyne ku-xigeen cusub oo loo Magacaabay Kenya

0
15

Madaxweyne ku-xigeen cusub oo loo Magacaabay Kenya

Aqalka sare ee barlamanka Kenya ayaa ugu dambeyn xilka ka xayuubiyey Madaxweyne Ku-Xigeenkii dalkaas Rigathi Gachagua, kadib markii ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen eedeymo la xiriira xadgudubyo waaweyn.

Arrintan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in booska Madaxweyne Ku-Xigeenka uu bannaan yahay, taasoo u oggolaaneysa Madaxweyne William Ruto inuu magacaabo shaqsi kale oo buuxiya jagadaas.

Todobaad ka hor Aqalka Baarlamaanka ayaa xilka ka qaaday Gachagua iyadoo 281 xubnood ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Gachagua waxaa uu sidaas ku noqday Madaxweyne Ku Xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya ee labada aqal ee Baarlamaanka ay xilka ka qaadaan.

War goor dhow soo baxayna waxaa uu sheegayaa in Professor Kithure Kindiki oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha gudaha loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka kenya, kaddib markii xil ka qaadis lagu sameeyey madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua.

Magacabista ayaa dhawaan loo gudbin doonnaa Baarlamaanka dalkaasi si ay u ansixiyaan.