Madaxweyne Farmaajo oo Safar kale oo Dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan

0
619

Madaxweyne Farmaajo oo Safar kale oo Dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo Talaado ah ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo ah mid deg-deg ah ayaa ku saabsan arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa shaki la gelinayaa in dowladda Kenya ay waddo qorshayaal ay ku dooneyso inay ku wiiqdo Isbaheysiga Saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya.

Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Shir saddex geesood ah ayaa shalay magaalada Asmara ku dhex maray Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya, Isbaheysigan cusub ee saddexdan dal loo arkaa culeys kale oo diblomaasiyadeed uu soo wajahay Soomaaliya, maadaama ay ka maqan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here