Madaxweyne Farmaajo Oo Garoowe Shir gaara kula yeeshay Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynayaashi hore

0
622

Madaxweyne Farmaajo Oo Garoowe Shir gaara kula yeeshay Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynayaashi hore

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kulan wadatashi iyo is xogwareysi ah la qaatay Madaxda dowlad goboleedyada, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kulankan oo ahaa mid uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka dambeeyay, kaddib markii uu quraac u sameeyay Madaxda ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in kaftan iyo kala war qaadasho kaddib la isku afgartay labo qodob oo ay ka mid yihiin in la xaliyo khilaafka in shir labada dhinac isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaas xilliga la qabanayo uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee fool ka fool ah ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxdii hore, iyadoo muddooyinkan ay jireen khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah, iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore oo iyagana dhaliilsanaa qaabka dowladdu wax u wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here