Madaxweyne Biden Oo U Hambalyeeyey Israiil kadib Dilka Hogaamiyihii Xamaas

0
24

Madaxweyne Biden Oo U Hambalyeeyey Israiil kadib Dilka Hogaamiyihii Xamaas

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku bogaadiyay dilka hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar.

“Tani waxay maalin wanaagsan u tahay Israa’iil, Maraykanka iyo caalamkaba,” ayuu Biden ku yidhi bayaan qoraal ah.

“Waxaan dhawaan la hadli doonaa Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil si aan ugu hambalyeeyo, si aan uga wada hadalno dariiqa loo marayo dadka la haysto ee lagu soo celinayo qoysaskooda, iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalkan sababay burbur badan oo soo gaaray dad aan waxba galabsan. ” ayuu sii raaciyay.

Biden waxa uu intaa ku daray inay rajadiisu tahay in hadda ay fursad u tahay in la eego tillaabooyinka xiga ee Gaza ka dib dhimashadii Sinwar.

“Hadda waxaa jirta fursad lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo siinaya mustaqbal wanaagsan Israel iyo Falastiin si isku mid ah. Yahya Sinwar wuxuu ahaa caqabad aan laga gudbi karin si loo gaaro dhammaan yoolalkaas. Caqabadaas hadda ma jirto. Laakiin shaqo badan ayaa ina hor taal,” ayuu yiri Biden.