Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, Maxamed Cabdullaahi Axmed.
Kulan kooban oo ay yeesheen Madaxweynaha Ukraine iyo Safiirka Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in Soomaaliya garab istaag u muujisay shacabka Ukraine, isla markaasna ay ka wada hortagayaan waxa uu ku tilmaamay gardarada Ruushka.
“Waxaan qiimeynayaa xiriirka aan la leenahay Soomaaliya, waa in la sare loo qaada iskaashiga labada dal, annaga oo rumeysan in la abuuri karno fursado cusub” ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.
























