Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku jooga dalka Pakistan

0
61

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku jooga dalka Pakistan

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho labo maalmood ah u jooga dalka Pakistan, halkaasi oo uu kulamo kula leeyay dhigiisa wadankaasi.

 

Erdogan oo ay weheliyaan wafdi heer sare ah iyo marwadiisa koowaad ayaa gaaray caasimadda Pakistan.

 

Madaxda dalalka Turkiga iyo Pakistan ayaa lagu wadaa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee ka dhaxeeya Ankara iyo Islamabad.

 

Madaxweynaha Turkiga iyo dhigiisa dalka Pakistan ayaa si wadajir ah u gudoomin doono Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Pakistan iyo Turkiga.