Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Roob-doonta+SAWIRO

0
511

Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Roob-doonta+SAWIRO

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaad Roob-doon ah oo maanta oo Axad ah laga oogay dhammaanba geyiga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa salaadda roob-doonta kala qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku tukaday Masjid-jaamaca magaalada Hargeysa, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay isku tashadaan, awoodda Eebbena ku kalsoonaadaan, ducadana badsadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu wada-qabsadaan sidii uga qayb-qaadan lahaayeen qorshayaasha waqtiyada abaaraha dadka iyo duunyaduba ku badbaadi karaan, qalbigooda iyo niyaddoodana saafi ka dhigaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here