Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Garowe lagu qabto Shirarka looga hadlayo Maqaamka Muqdisho

0
473

Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Garowe lagu qabto Shirarka looga hadlayo Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso shirarka looga hadlayo Geeddi socodka Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Kulan dood ah oo maanta lagu qabtay Garowe ayaa sheegay diyaar u uihiin in Garowe lagu qabto shirka looga hadlayo Maqaamka Muqdisho oo ka mid ah qodobada aadka looga doodo ee mar walba soo noqnoqda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan ka sheego in Puntland marti geliso qodobada aadka looga doodo ee ah Maqaamka Muqdisho in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaala madaxda Soomaaliya, waa magaalada astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aad ayay noo dhibeysaa xaqiiqdii”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu sheegay in qodobka maqaamka Muqdisho inay noqoto dood furan oo aan cidi cidi la sheeganeyn, Soomaalida oo miir qabta isu timaado, isla markaana laga soo fogeeyo Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu  xusay inay tahay caqabad hortaagan Dastuurka.

“Arrinta Somaliland iyo Somalia iyadana waa caqabad kale oo hor taagan dastuurka aniga saas uma dhigaayo in Somalia iyo Somaliland la yiraahdo, waxa qaba walaalaheena gobolada waqooyi jira ama Maamulka Somaliland in ay Garowe yimaadaan oo doodaha ay qabaan soo dhoweystaan”ayuu yiri Saciid Deni.

Dooda ku saabsan Maqaamka Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, waxaana jirtay in Madaxda dowladda Federaalka ay aad u diidanayaan, una arkayeen culeys siyaasadeed haddii Muqdisho yeelato maqaam gaar ah, iyadoo la xusuusto in Arrinta Maqaamka iyo Shirweyne uu qaban qaabinayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadit Taabit Cabdi Maxamed, taasoo keentay in Madaxweyne Farmaajo uu xilka uga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here