Madaxweynaha Masar oo wada hadal isugu keenay Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

0
562

Madaxweynaha Masar oo wada hadal isugu keenay Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.

Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa tan iyo bishii March ee sanadkan is arag, wixii ka dambeeyay kulankii ay wadajir ugu yeesheen Nairobi, xilligaasoo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in la isugu keeno, kaddib markii uu xumaaday khilaafkii labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here