Madaxweynaha Mareykanka “Uma oggolaaneyno in Xuutiyiinta ku dhuuntaan gudaha Soomaaliya”

0
35

Madaxweynaha Mareykanka “Uma oggolaaneyno in Xuutiyiinta ku dhuuntaan gudaha Soomaaliya”

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo xiriir la sameynaya kooxaha ka dagaalama gudaha dalka sida Daacish iyo AS.

 

Trump ayaa ku baaqay in si buuxda loo taageero shacabka Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay in Mareykanku uu garab taagan yahay dadaallada ka dhanka ah AS iyo Daacish.

 

“Waa Waqtigii argagixisadu is qarin lahaayeen, balse waxba uma tari doonto. Ciidankeena si degdeg ah ayay idin kaga hortagi doonaan, waxaan kordhinay weerarada saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay” ayuu yiri Trump.

 

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Mareykanku garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo yiri:

“Shacabka Soomaaliyeed waa inaysan oggolaan in Xuutiyiintu ku milmaan dalkooda, taasoo ay isku dayayaan. si argagixisada loo ciribtiro loona gaaro horumar iyo barwaaqo.”

 

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jirto tuhun xooggan oo la xiriira in Xuutiyiinta iyo Daacish ay sameeyeen xiriir dhow, gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay, ka hor intii aan la bilaabin weerarrada dhanka cirka iyo dhulka ah ee ka dhacay buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo la rumeysan yahay in kooxda Daacish ay xarumo waaweyn ku lahayd.