Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Wajahan Garoowe Iyo Ujeedkiisa

0
423

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Wajahan Garoowe Iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkiisa, iyagoona saacadaha soo socda gaari doona Magaalada Garoowe.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa dhigiisa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Doorashada.

Labadaas maamul ayaa ka qeyb gelin Shirkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo heshiis looga gaaray Doorashada dalka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa caddeeyay inay ka horjeedan qodobadii kaso baxay Shirkii Madaxda, iyagoona sheegay in Dowladda ay fulin weyday heshiisyadii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2.

Si kastaba Dowladda Mareykanka ayaa qaswadayaal ku tilmaamtay labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, waxaana inta uu ku sugan Madaxweynaha Jubbaland Garoowe uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here