Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho 4 maalmood ah uga bilaabatay qaarada Afrika

0
592

Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho 4 maalmood ah uga bilaabatay qaarada Afrika

Madaxweynaha  Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho uu ku marayo dalal ku yaal qaarada Afrika waxa uu ka bilaabay dalka Jabuuti oo xiriir qoto dheer ah ay wadaagaan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, waxaana kadib loo galbiyay Qasriga madaxtooyada.

Faransiiska iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir fog, iyaga oo wadaaga iskaashi dhinaca milatariga ah, waana markii ugu horreysay uu madaxweyne Macron booqdo dalkaasi.
Madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya.

Kulamo saacado qaatay oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa ay madaxda labada dal ku macneeyeen inuu ahaa wadahadal miro dhal ah.

Kulanka ay yeesheen ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa xiriirka amniga, gaar ahaan arrimo ku aadan saldhigga milatari ee uu Faransiiska ku leeyahay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Faransiiska goor dhow gaaray magaalada Taariikhiga ah ee Laalibela ee dalka Ethiopia. Waxaana madaxweynaha Faransiiska ku soo dhoweeyay garoonka Lailibela Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Mr Macron waxaa la filayaa inuu booqda goobaha taariikhi ah oo magaaladaasi ku yaalla oo ay ka mid yihiin dhismayaal iyo kaniisado.

Booqashadaasi kadibna wuxuu soo aadi doonaa magaalada Addis Ababa halkaasi oo ay Labada hoggaamiye ay wadahadal ku yeelan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here