Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo xilka la wareegay
Donald Trump ayaa waxaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynihii 47-aad ee dalka Mareykanka, ka dib munaasabad ballaaran oo Isniintii lagu caleemo saarayay oo ka dhacday Magaalada Washington.
Madaxweynaha cusub iyo Kuxigeenkiisa JD Vance ayaa lagu dhaariyay Xarunta Aqalka Congress-ka ee Capitol Hill, waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, John Roberts
Madaxweynaha oo markii labaad ay noqoneyso oo xilka loo dhaariyo ayaa sidoo kale la wareegay Xafiiska Oval, si afarta sano ee soo socota uu u hoggaamiyo siyaasadda dalkaasi.
Donald Trump ayaa shacabka Mareykanka u sheegay “Xilliga dahabiga ah ayaa hadda bilowday.”
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ku sheegay in da’da dahabiga ee Mareykanka ay hadda bilaabaneyso.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isku daygii dil ee sanadkii hore uu ka badbaaday uu Alle ka waday in mar kale uu Mareykanka ka dhigo mid weyn.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xaduudaha/soo galootiga, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo dhismaha Mareykan xoogan amaba awood badan.
“Aniga waxaan u socdaa in aan wax kasta ka horreysiiyo Mareykanka. Miisaanka caddaaladda waa la isku dheelitiri doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi raaciyay “Laga bilaabo hadda, hoos u dhaca Mareykanka wuu dhammaaday.”
Trump ayaa saxiixay amaro fulineed oo is daba joog ah, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo qaran oo ka dhacda xuduudda koonfureed ee Mexico & sidoo kale xaalad degdeg ah oo tamarta qaranka ah iyo dib u soo celinta Panama Canal.
Trump ayaa intii uu ku guda jiray khudbaddiisii caleema saarka, waxa uu ballanqaaday in uu dhisayo ciidamadii ugu xoogga badnaa ee ebid caalamka la arko, isagoona u soo jeestay Kanaalka Panama.
“Shiinuhu waxa uu maamulaa Kanaalka Panama, mana aanan siinin Shiinaha, waxaanu siinay Panama, dib ayaana u soo celinaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii Paris ee wax lagaga qabanayay isbedelka cimilada iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxaana uu meesha ka saaray canshuuraha dalalka shisheeye, si loo kobciyo muwaadiniinta Mareykanka.
Waxa kaloo uu cafis iyo ciqaab dhimis uu u sameeyay dadkii lala xiriiray rabshadihii 6-dii bishii January ee ay taageereyaashiisa ku galeen Dhismaha Capitol Hill.
Trump ayaa 5-tii bishii November ku guuleysatay doorashadii ka dhacday dalkaasi, ka dib tartan olole xoogan ku bilowday oo uu la galay Kamala Harris.
Kamala Harris ayaa ahayd Musharaxii Xisbiga Dimoqraadiga ahna Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka.
Trump ayaa Kamala Harris ka hor istaagay inaysan xaqiijin riyadeedii ahayd inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne ka noqota dalka Mareykanka.
Kamala Harris ayaa xaqiijisay keliya haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa Xisbiga Dimoqraadiga, isla-markaana u tartanta jegada madaxtinimada ee dalkaasi.