Madaxwayne Farmaajo Oo War Cusub Ka Soo Saaray Wada Hadlada Somaliya Iyo Somaliland Kuna Dhawaaqay Qorshihiisa Ku Aadan Wada Hadladaasi

0
544

Madaxwayne Farmaajo Oo War Cusub Ka Soo Saaray Wada Hadlada Somaliya Iyo Somaliland Kuna Dhawaaqay Qorshihiisa Ku Aadan Wada Hadladaasi

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta Khubad ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Dawladdu Hirgelisay Hannaanka Dhab u Heshiisiinta Qaranka iyo Qorshe Howleedkiisa Fulineed, si loo dardar geliyo Dedaalka Nabadeed Guud ahaan dalka, Wuxuuna xusay inay Xal Waara laga gaadhay Colaadihii Marka iyo Gaalkacyo.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay Wadahadalka Somaliland, si loo Xaqiijiyo Wadajirka iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa naga go’an inaanu ka Midho-dhalino Wadahadalka maamulka Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Si xal waara loogu helo Tabashooyinooda, Walaalaheen Somaliland waa dad aynu Jecelnahay oo aynaan kala Maarmin, Waxaanu ku bixinaynaa Dedaal dheeri ah Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Si aynu uga baxno dhibaatada aynu ku Jirno, Waxaanu diyaar u nahay inaanu si waafi ah uga garowno tabashooyinka Walaalaheena Somaliland “. Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Mudooyinkii dambe waxaa socday Dedaalo lagu doonayo in dib loogu Bilaabo Wadahadalka, Balse ilaa hada laguma guulaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here