Madaxwayne Ciro oo sheegay in uu xoogga saarayo Dib u heshiisiinta

0
45

Madaxwayne Ciro oo sheegay in uu xoogga saarayo Dib u heshiisiinta

Xisbiga Waddani  ayaa ballanqaaday in 200 maalin ugu horreysay ee maanta u billaabatay in diiradda ay saaraan arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta.

Maxamed Faarax Cabdi oo ah Afhayeenka Xisbiga Talada  haya Somaliland qabtay ee Waddani ayaa sheegay in dib u heshiisiintu ay tahay xalka rasmiga ah ee laga gaari karo booga-dhayista dhibaatooyinkii dhacay sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Waxa uu intaas ku daray in Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro sida ay u hanatay Dadkii u codeeyay uga faa’iideyn doonno waxqabad guud ahaan lagu wada qanco muddada uu xilkaan hayo.

“Ummaddu marka ay nabad hesho ayay horumar heshaa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxaa diiradda u saaran Dib u heshiisiinta, Ayaamuhu way isdaba socdaan ee muddo kooban ayaad arki doontaan” Maxamed Faarax Cabdi Afhayeenka Xisbiga Waddani.

Xukuumaddii Doorashada looga adkaaday ee Muuse Biixi Cabdi waxa ay labadii sano u dambeysay majaha la gashay dagaal ay ku dhumisay dhul gacanta ay ku heysay, taasi ayaa keentay in cadaadiska koray darteed looga adkaaday doorashadii dhacday Nofeembar 2024.