Madaxwaynaha Somaliland Ciro oo gaarey dalka Jabuuti

0
34

Madaxwaynaha Somaliland oo gaarey dalka Jabuuti

Madaxwaynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada D-Jabuuti.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Jabbuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa qaabilay Madaxwayne Cirro iyo wafdigiisa iyadoo si diiran halkaa loogu soo dhaweeyay.

Madaxwaynaha cusub ee maamulka Somaliland ayaa markii ugu horaysay booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Jabuuti tan iyo markii xilka madaxwaynenimo loo doortay.

Ma jiraan wax faahfaahin ah oo ka soo baxay ujeedada ka danbaysa booqashada rasmiga ee uu Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku tagay dalka Jabuuti.

Booqashada Cirro ee Jabuuti ayaa ku soo aadaysa ka dib is-afgaradkii dhexmaray Muuse Bixi iyo Abiy Ahmed horraantii sanadkii 2024-kii, kaas oo keenay in uu xumaado xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Mr. Cirro ayaa lafilayaa inta uu jooga Jabuuti in uu la kulmo hoggaamiyaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya.