Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Yeelanaya

0
406

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Yeelanaya

Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan hordhac ah ku yeeshaya qadka Telefoonka , iyagoona kulanka inta uu socday Go’aan ku gaaray inay yeeshaan Shir gaar u ah iyaga.

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicsiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Waare, Galmudug Qoorqoor iyo Puntland Saciid Deni ayaa ku heshiisyay inay shir ah oo kaligood ah ay ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Shirkaas ayaa la filayaa inuu qabsoomo 8-da Bishaan Luuliyo 2020, isla markaana waxaa marti gelin doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, Khilaafyada jira iyo hanaanka Doorashada dalka.

Si kastaba tallaabadan Shirka ay ku yeelanayan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa uu yimid, kadib markii uu fashilmay kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, waxaana shirkaas qaadacay Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here