Madaafiic culus oo saakay lagu garaacay Laascaanood iyo dad uu ku jiro nabadoon caan ah oo …

0
246

Madaafiic culus oo saakay lagu garaacay Laascaanood iyo dad uu ku jiro nabadoon caan ah oo …

Wararka saakay ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic culus ciidamada Somaliland ku garaaceen qeybo kamid ah magaalada.

Madaafiicda ciidamada Somaliland ku garaaceen magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay ku dhaceen goobo dad rayid ah joogeen, waxaana madaafiicda ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay madaafiicda lagu garaacay Laascaanood ayaa waxaa ku geeriyooday afar qof oo saddex kamid ah joogeen goob bakhaar ah , halka qofka afaraad uu yahay nabadoon caan ka ahaa magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale dagaal goos goos ah oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa maamulka SSC taabacsan ayaa saakay ka dhacay jiida hore ee labada ciidan isku hor-fadhiyaan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka Laascaanood ayaa muddo bilooyin ah socda, waxaana fashilmay isku dayo badan oo lagu doonayay in dagaalka xal loogu helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here