Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada shaqeyntii dowladda Soomaaliya.

0
542

Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada shaqeyntii dowladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, taasoo sabab looga dhigay fara gelin, kala qeybin iyo isku day burburinta Galmudug oo ay wadaan madaxda dowladda federaalka ah.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso mas’uuliyada wixii qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni ee ka dhaca deegaanada Galmudug.

“Galmudug waxay isku dayday xoojinta wadashaqeynta dowlada, nasiib daro madaxda dowlada federaalka ayaa ku dhaqaaqeysa fekerro madhaleysnimo oo ah afuubida awooda dastuurku siiyey maamuladda,” ayaa lagu yiri bayaanka Galmudug.

Warar la helayo waxa ay sheegayaan in cabashada Galmudug ay salka ku heyso talaabooyinkii u danbeeyay ee ay qaadeen Baarlamaanka oo ay qeyb ka yihiin ansixinta Sharciyada Batroolka iyo Doorashooyinka, taasoo ay Galmudug shegetay inaan lagala tashan.

Maamulka Puntland, ayaa sidan oo kale 27-kii bishan sheegay inuu hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeysa dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay ineysan aqoonsaneyn dhamaan sharciyadii u danbeeyay ee Baarlamaanka meel mariyeen, kuwaasoo kala ah Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka.

War Saxaafadeed dheer oo ku qorna Afka Ingiriiska oo ay Puntland u dirtay Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayey ku sheegtay in dhinacyada uu saameynayo talaabadas ay qeyb ka tahay dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here