Lamine Yamal, Mucjisada Kubadda Cagta ee Spain & Barcelona!

0
75

Lamine Yamal, Mucjisada Kubadda Cagta ee Spain & Barcelona!

Lamine Yamal oo ah xiddig jira 16 sano isla markaana Xulka uu dhalashada ka qaatay ee Spain gaarsiiyay ciyaarta kama dambeysta ah ee Euro 2024 ee sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jarmalka ayaa qabsaday Saxaafadda Caalamka.

Yamal ayaa maanta ku sharraxay bogagga hore ee Warbaahinta ugu afka dheer Ciyaaraha iyo kuwa kale iyada oo Baraha Bulshada uu gaar ahaan Barta X ee horay loo oran jiray Twitter uu ka helay Calaamadda raadinta ee Haash-taag badan (#).

Xiddigaan Wacdaha dhigaya kuna jira bandhiggiisa wanaagsna waxa ay Dad badan ku doodeen in uu yahay (Messi usoo baxay Dalka Spain & Kooxda Barcelona) waxaana durba uu fooqa-sare kasoo galay heerka saadaalinta wacan ee Ciyaartoyda loo sameeyo.

Asal ahaan waxa uu Lamine Yamal uu kasoo jeedaa Dalka Morocco ee Qaaradda Afrika balse ehelkiisa ayaa u guuray isaga oo yar Magaalada Barcelona oo halkaas waxa uu kasoo burqiyay hibadiisa Kubadda Cagta.

Yamal oo 7-sano jira ayaa fursad u helay Akadeemiyada Caanka ah ee La Masia ee Kooxda Barcelona halkaas ayuu kusoo muujiyay awooddiisa kubadda Cagta ilaa uu gaaray in uu u yeero Macallinkii dhowaan ka tagay Kooxdaas ee Xavi in uu usoo dalacsiiyo heerka 1aad.

Sanadkaan ayuu fursad u helay in looga Waco Xulka 1aad ee Qaranka Spain maadaama bandhiggiisa Horyaalkii dhawaan dhammaaday uu wanaagsanaa inkasta oo aanay Barcelona kula guulaysan wax koob ah Xagaagii tagay.

Macallinka Xulka Qaranka Spain Ninka lagu magacaabo Luis de la Fuente ayaa mar laga weydiiyay sababta uu usoo doortay Wiilkaan 16 jirka ah waxa ku sheegay in hibadiisa Kubadeed ay ka weyn tahay Da’da uu jiro sidaas awgeed uu u qaatay go’aankaan.

Xulka Casaanka ah (La Roja) waa ayuu sheegay Lamine Yamal in uu waqti fiican ka helay kuna faraxsan yahay in uu la gaaro ilaa ciyaarta kama dambeysta ah ee Finalka oo ay sugayaan Netherlands ama England oo mid uun caawa usoo bixi doonna.

Khubarrada Kubadda Cagta ayaa saadaalin nambar fiican ah siiyay Lamine Yamal haddii uu sii joogteeyo bandhiggiisa fiican waxaana ay u badan tahay in loo dooran doonno Da’yarkii ugu fiicnaa tartanka Euro 2024 waaba haddiisan ku darsan guud ahaan Xiddigii ugu fiicnaa.