Labo dhalinyaro oo ku geeriyooday Shil gaari ka dhacay duleedka Garowe

0
643

Labo dhalinyaro oo ku geeriyooday Shil gaari ka dhacay duleedka Garowe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in laba qof ay ku geeiryootay shil gaari oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garowe.

Sida wararku sheegayaan, shilka waxa uu ka danbeeyay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garowe uu dul maray gaari nooca raaxada ah oo isna ka yimid dhanka magaalada Qardho.

Saraakiisha Ciidanka ilaalada wadooyinka, ayaa xaqiijiyay in shilka ay ku dhinteen Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo laba dhalinyara ah oo wadatay gaariga yar oo basbeelay, markii uu dab qabsaday.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay iney gacanta ku dhggeen Wadihihii gaariga Xamuulka oo la qabtay xalay isagoo argagaxsan, waxaana Su’aalo lagu weydiinayaa mid kamid ah xabsiyada ay maamulaan Ciidanka Taraafikada.

Dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka Nugaal, ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo ka dhashay gaariga yar ee raaxada, kaasoo saameeyay midka Xamuulka qaada, waxaana dadkii goobta joogay ay tilmaameen in daqiiqado badan ay ku qaadatay daminta dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here