Labadii Wasiir Ee Somaliland Qabatey Oo Dawlada Itoobiya Ay Xabsiga Dhigtay

0
812

Labadii Wasiir Ee Somaliland Qabatey Oo Dawlada Itoobiya Ay Xabsiga Dhigtay

Maamulka magaalada Jigjiga, ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo shalayna xubno saraakiil u badan xilalka laga qaaday.

Xubnaha la xiray waxaa ku jira labo wasiir oo Somaliland ay horey ugu xirtay magaalada Hargeysa xili ay doonayeen inay baxsadaan, waxaana kamid ah Cabdi Jamaal Axmed, Wasiirkii Caddaaladda iyo Ibraahim Aadan Mahad Wasiirkii waxbarashada dowlad deegaanka.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha la xiray ay ku jiraan Cumar Maxamed Rooti iyo Deeq Buraale oo loo yaqaanay Labo Go’le, oo kamid ahaa baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Shalay waxaa xilalka laga qaaday saraakiishiisa ciidamada kala duwan ee Dowlad deegaanka, kuwaasi oo tuhuno kala duwan ay soo galeen.

Xubnaha ciidamada ee xilalkooda waayay waxaa kamida ah :-

  • Taliska ciidamada Liyuu Police oo u tababaran qaabka Milateriga.
  • Taliska Sirdoonka iyo Dabagalka oo inta badan lasocda arrimaha ammaanka.
  • Taliyaha ciidamada Booliska ee Dawlad deegaanka.
  • Talyaha ciidamada Asluubta ama Xabsiyada maamula.
  • Wasiirkii Madaxtooyada iyo  Duqa Jigjiga

Dhamaan xubnaha xilka waayay ayaa waxaa lagu badalay xubno kale oo cusub, sida uu shaaciyay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here