Laba diyaaradood oo ku burburay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

0
104

Laba diyaaradood oo ku burburay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa shalay ku burburay laba diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca, kuwaas oo la sheegay in ay sideen gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka ka ’a’ay dalkaas.

Labadaas diyaaradood ayaa mid waxay gargaar u siday shacabka ku nool degmada Buna ee Waqooyiga magaalada Wajeer, kuwaas oo ay saameeyeen roobab xooggan oo halkaas ka da’ay.

Diyaaradda gargaarka siday nooca Mi17 oo ay leeyihiin milatariga dalka ayaa dhacday daqiiqado yar ka dib markii ay hawada gashay. Dhaawac ayaa soo gaaray dadkii saarnaa diyaaradda waxaana loola cararay isbitaalka, iyada dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan illaa saddex qof.

Sidoo kale Diyaaradda labaad ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha Wajeer xili ay ku sii jeedday deegaanka Arbajahan si ay u soo daad gureyso arday ku xayirnaa halkaas oo uu roob ka da’ay.

Weli dowladda Kenya kama hadal diyaaradahaan shalay burburay balse waxa ay ku soo aadaysaa xilli guud ahaan dalka Kenya ay ka da’een Roobab wata fatahaado, waxaana la soo warinaya in magaalooyinka qaar ay adag tahay in la’isugu gudbo ka dib markii waddooyinka ay xirmeen.